opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Beesha Caalamka oo ka Walaacsan Dib u dhaca ku yimid Doorashada Baarlamaanka

beesha_caalamka_somalia-300x160
FacebookTwitterGoogle+Share

Warka ka soo baxay Waddamada iyo Ururrada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashada xubnaha aqalka hoose uu qorshuhu ahaa in uu billowdo 23ka Bisha October oo maanta 30 ah,waxaana muuqata todobaad dib u dhac ah inkasta oo 10 November ay ku egtahay dhameystirka Baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya.

14 September ayey madasha wadatashiga qaran isku raacday xilliga 2aad ee doorashada qaran kadib markii ay dhowr jeer ooh ore dib u dhacday,waxaana ay Beesha caalamka ka digeysaa in dib u dhac kale uu yimaado.

Warka ayaa lagu sheegay in sidoo kale Beesha Caalamka ay walaac ka muujineyso lacagaha lagu helayo kuraasta labada aqal oo daneeyayaasha ay lacago farabadan oo laaluush ah ku bixinayaan.

Warka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa looga codsaday dhamaan daneeyayaasha doorashada Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan sidii ay doorashada waqtigeeda ugu dhici lahayd.

Waxaa Warka Beesha Caalamka uu intaa ku daray in Beesha Caalamka ay ka go’an tahay in ay doorasho xalaal ah ka dhacdo Soomaaliya Bisha November ee soo socota.

Qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin billaabidda doorashada xubnaha aqalka hoose halka kuwana aysan wali billabain aqalka sare oo ka horreeyay kan hoose.

Xubnaha Beesha Caalamka ee warkan soo saaray oo kala ah Qaramada Midoobey,Midowga Afrika,IGAD,Itoobiya,Swiden,Ingiriiska ,Mareykanka iyo Talyaaniga, waxaa ay ka digeen dib u dhac doorasho iyo waqti dambbe oo luma.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook