opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Cheslea oo 4-0 Kudhufatay Man United +Sawirro

11
FacebookTwitterGoogle+Share

Kooxda Chelsea ayaa si awood ku dheehan cagta ku marisay naadiga Man United kulan ka tirsanaa Premier League England oo ka dhacay garoonka Stamford Bridge.

Macalin Mourinho ma hilmaami doono jabka uu kala kulmay galbeedka London madaama kooxdiisii hore ay 4-0 ku xasuuqday Man United, wuxuuna kooxdiisii hore kala kulmay guuldarada ugu weyneed Premier League England ee macalinkaan ku dhacdo asigoo koox hogaaminaayo.
Kulankaan Man United waxaa gool kaga naxsaday Pedro cayaarta oo 30-ilbiriqsi socoto waxaana qalad ku lahaa daafacyada Man United oo isku haleeyeen kubad uu Pedro ka faa’iideestay.

Man United oo aan weli isla qabsanin waxaa dhibaatada kusii fogeeyay Gary Cahill oo dhaliyay kubad koorno ahayd asigoo laad xoogan shabaqa United la helay daqiiqadii 21-aad.
Qaybtii hore ee cayaarta Chelsea ayaa in badan ku awood badneyd waxayna Man United ka bad baaday in afar gool lagu yeesho.

Macalin Antonio Conte kooxdiisa qaybtii hore ee cayaarta waxay ku hogaamineesay 2-0 sidoo kalena Chelsea ma dareemin wax culees ah.

Markii la isku soo laabtay Mourinho ayaa kooxdiisa wax ka badalay wuxuuna soo galiyay Juan Mata oo uu islahaa cayaarta wax ka badalo.

Balse Chelsea maamulkeeda ayay iska sii wadatay waxaana cayaarta dhinac u riday Eden Hazard oo gool qurux badan shabaqa Man United ku hubsaday daqiiqadii 62-aad.

Wixii markaas ka dambeeyay Mourinho madaxa ayuu iska xoqday halka xidigahiisa iyagana awoodi waayeen inay kubada isla jaan qaadaan.

Kubad bur buriye N’Golo Kanté ayaa damaashaadka goolasha ka qayb qaatay wuxuuna xidigan raacista badan dhaliyay gool si qurux badan uu daafacyada Man United kaga leexsaday sidoo kalena laadkii xooganaa ee uu goosha la helay goolhaye De Gae wuu celin waayay daqiiqadii 70-aad.

Madaama cayaarta 4-0 noqotay tababare Conte ayaa badalay xidigahiisa ugu muhiimsan Diego Costa iyo Eden Hazard si ay u nastaan marba hadii uu meel saaray Mourinho iyo kooxdiisa Man United.

Chelsea ayaa ugu dambeyntii guusha ku qaadatay 4-0 waxayna Blues haatan soo tiigsatay booska 4-aad ee horyaalka England ayadoo hal dhibic ka hooseyso sedexda naadi ee EPL isla hogaamiyaan Man City, Arsenal iyo Liverpool waxayna Chelsea leedahay 19-dhibcood.

Man United jabka ay kala kulantay Chelsea ayaa ka dhigan inay haatan fadhiso kaalinta 7-aad waxayna leedahay 14-dhibcood sidoo kalena kooxdan xaalka ayaa kusii xumaanayo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook