opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Ciidamo katirsan AMISOM oo goordhaw gaaray Magaalada Cadaado+ Cod

FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa goordhaw magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug gaaray Ciidamo horudhac ah oo katirsan AMISOM, ciidamadan ayaana loogu tala galay in ay xaqiijiyaan amaanka goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Ciidamadan katirsan AMISOM ee goordhaw gaaray magaalada Cadaado ayaa ah kuwa ka socda Dalalka Burundi iyo Jabuuti, waxaana ciidamadan la geeyay amaankeedana ay sugayaan xarunta Madaxtooyada Galmudug .

Waxaa sidoo kale la filayaa in magaalada Cadaado gaaraan Ciidamo kale oo katirsan AMISOM kuwaa oo iyana si gaar ah u ilaalin doona xarumaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Aqalka Hoose iyo sidoo kale xarumaha la dajinayo Ergooyinka wax dooranaya.
Dhawaan ayaa la filayaa in magaalada Cadaado iyo magaalooyinka kale ee caasimadaha u ah Maamul goboleedyada dalka ka jira ay ka dhacaan doorashooyinka xubnaha aqalka hoose, waxaana si weyn loo adkeenayaa amaanka xarumaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook