opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Cumar C/rashiid oo ku guuleystay Kursigii ugu horeeyey Aqalka Sare ee Puntland

3
FacebookTwitterGoogle+Share

Doorashada xubnaha Musharaxiinta u taagan Aqalka sare ee matalaya Puntland ayaa ka socota magaalada Garoowe, iyadoo qofkii u horeeyay ee ku guuleystay kursiga Aqalka sare uu noqday R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Cumar C/rashiid ayaa ka adkaaday Musharax kale oo la taramayay, taas oo lagu Magacaabo Aamino Aadan Cabdullahi.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa labada Musharax u kala codeeyay, waxaana Cumar C/rashiid uu helay 47 cod, halka Aamino Aadan ay heshay 17 Cod.

Guddiga Doorashada ayaana ku dhawaaqay in Cumar C/rashiid uu yahay Saneterkii ugu horeeyey ee ku guuleystay Kursiga Aqalka Sare ee Puntland ku metelaya DF.

Waxa sidoo kale hadda la guda galay Doorashada Kursiga Labaad kaas oo ay ku tartamayaan C/raxmaan Faroole iyo Cabdi Mahdi Abshir Cismaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook