opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

C/Waaxid Goonjeex oo loo doortay Xubnaha Aqalka Sare.

FacebookTwitterGoogle+Share

Cabdi Waaxid Cilmi Goonjex ayaa noqday qofkii todobaad ee ku guuleysta Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Deeganada Maamulka Galmudug.

Goonjex ayaa la tartamaayay labo Musharax oo kale, balse wuxuu helay codadkii ugu badnaa oo uu ku soo baxay Doorashada.

64 cod ayuu helay C/waaxid Cilmi Goonjeex, Aamina Cali Maxamed oo la tartamaysay Goonjeex, ayaa iyadana heshay 13 cod, halka sidoo kale Maxamuud Maxamed Samatar oo isna tartanka qayb ka ahaa uu helay 11 cod.

C/waaxid Goonjex wuxuu noqonayaa qofkii todobaad ee si rasmi ah ugu biira Aqalka Sare ee dalka, isaga oo ka soo galay Deeganada Maamulka Galmudug.

Xubinta ugu dambeysa ee Doorashada Aqalka Sare ee Galmudug ayaa hada ka socota Magaalada Cadaado, waxaana la filayaa in goor dhaw la soo gaba gabeeyo guud ahaan Doorashada.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa u codeynaya Dadka doonaya inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee dalka.

C/waaxid Goonjeex ayaa Horey u Soo Noqday Ra’iisalwasre ku xigeenkii Xukuumadda C/wali Gaas ee Dowladdii KMG. Waxaana uu sidoo Soo Noqday Wasiir ka tirsan dowladaas.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook