opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

C/weli Gaas “Cadaado Kaliya naloogama soo duulin ee Xamar ayaa nalooga soo duulay” +Cod

cabdi-wali-gaas
FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Goordhow Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso kadib markii uu ka soo laabtay Safaro uu maalmahan kaga maqnaa Dalka ayaa si aan la fileyn uga hadlay Dagaalada ka socda Magaalada Gaalkacyo.
C/weli Gaas ayaa sheegay in Puntland Cadaado kaliya aan looga soo duulin balse looga soo duulay Magaalada Muqdisho.

Waxa uu Madaxweyne C/weli Gaas uu sheegay in Dagaalada Ka socda Magaalada Gaalkacyo ay ka dambeyso Dowlada Fedraalka sida uu hadalka u dhigay.

“Cadaado Kaliya naloogama soo duulin ee Xamar ayaa nalooga soo duulay, waxana ka dambeysa Dowlada Fedraalka, Doorashooyin ayaa laga hadlayaa oo 2016 isbedel dowli ah uu yimaado, Dabacan Cadow 24 saac duulaan kugu ah si wax loola wadaagayo maba garanayo” Ayuu yiri C/weli Gaas.

Madaxweynaha Puntland waxa uu dhinaca kale u jeediyey Shacabka Puntland inay u diyaar garoobaan Difaaca Deegaanadooda si uu yiri.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ka socda Dagaalo Culus oo saameeyey Guud ahaan Magaalada, Sababayna Qasaaro Farabadan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook