opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dagaal Xoogan oo saakay dib uga qarxay Magaalada Gaalkacyo

FacebookTwitterGoogle+Share

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in saakay dagaal aad u xoogan in uu dib uga qarxay galbeedka magaaladaasi gaar ahaan aagaga ay isku hor fadhiyeen Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland.
Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa in uu yahay mid aad u culus oo labada dhinac isku adeegsanayaan hubka culus iyo kuwa fudud, dhawaqa rasaasta culus ay is dhaafsanayaan labada dhinac ayaa laga maqlayaa xaafadaha magaalada Gaalkacyo.
Sida aan Wararka ku heleyno dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ayaa saakay ah mid aad u culus oo si xoogan ku bilowday, walina lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo.
Dagaalka Gaalkacyo ayaa noqday mid aan dhamaad laheyn oo socdo ku dhawaad mudo bil ah, mana jirto ilaa hada cid dagaalka horumar ka sameesay ama ku faa’iiday , walina ma muuqato in ay diyaar u yihiin labada maamul in ay nabada qaataan lana joojiyo dagaalka dhiiga ku daadanayo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook