opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dagaal Xooggan Oo Ka Billowday Gaalkacyo

FacebookTwitterGoogle+Share

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in hadda magaaladaasi uu ka qarxay dagaal aad u xoogan, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.

Dagaalka ayaa ka socda Galbeedka magaalada gaalkacyo, waxaana la isku adeegsanayaa hubka daran dooriga u dhaca iyo kuwo kale oo ah madaafiicda goobta.

Dad ku sugan Gaalkacyo ayaa Wardoon.net usheegay in dagaalka uu yahay mid aad uga culus kuwii maalmahan ka dhacayey Gaalkacyo, waxaana la isku adeegsanayaa Taangiyo.

Dad aan badneyn ayaa ku soo haray magaalada Gaalkacyo ka dib markii intii badneyd shacabkii ku noolaa magaaladaas ay ka barakaceen dagaalada soo laalaabtay iyo colaadaha ka aloosnaa magaaladaas todobaadyaadii u dambeeyey.

Dagaalada saaka laga soo sheegayo magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo aadaya xili maalmahan la hadal hayey iney jirto waan waan nabadeed oo labada dhinac ay ka wadeen odayaasha Gaalkacyo iyo dowladaha deriska qaarkood sida Itoobiya.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, iyo sidoo kale cidda rasaasta billowday, hase ahaatee dagaalka ayaa ah mid aad u kulul.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook