opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dagaalkii Taageerayaasha Man United iyo Paul Pogba oo bilaawday

1-91
FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa markale dib u soo cusboonaaday dhaleeceyntii lagu hayey Xidiga ugu qaalisan Caalamka ee Paul Pogba kaas oo la leeyahay Waxa uu qarka u Saaranyahay in laga Fariisyo Cayaaraha Joogtada ah ee uu hada ku haysto Kooxdiisa.

Taageerayaasha Manchester United ayaa sidoo dhaleeceyntii ugu Xooga badanayd u soo jeediyey Paul Pogba kadib kulankii bareejada 0-0 ta ah ku dhamaaday ee ay lacayaareen Liverpool ka dib markii uu soo bandhigay Cayaar Tayo ahaan aad u liidata.

Paul Pogba ayaa lasheegayaa in uu soo galay Liiska Cayaartoyda ugu qaladka badan Gaar ahaan dhanka kubadaha Labaaso Waxaana uu qiimeynta lasameeyey ka galay kaalinta 7 aad dhamaan Cayaartoyda ka dheesha Horyaalka dalka England.

Xidigaan oo Juventus looga soo iibsaday Lacagtii ugu badnayd oo ah €110 million oo u dhiganta (£89m),balse waxa uusan soo bandhigin Cayaar ay ku qancaan Taageerayaasha Man United Waxaana ku socota Cambaareyn aad u ba an oo ku aadan bandhigiisa aadka u liita ee uu soo bandhigay.

Cayaartoyda ugu badan ee baasaska qaladay ilaa hada

Pogba’s 80 Danny Drinkwater (115), Damien Delaney (99), Christian Fuchs (96), Craig Dawson (89), Matthew Lowton (85) and Sam Vokes (80 from less passes).

Hadaba Waa Maxay Sababta ugu Waa weyn ee ay Taageerayaasha Man United ku haystaan Paul Pogba?

1 Paul Pogba Waxa uu dhaliyey 9 kulan oo uu u dheeley Man United 1 Gool oo kaliya kaas oo uu ka dhaliyey Leicester City kulankii ka dhacay Old Trafford.kaas oo ku dhamaaday 4-1 sidoo kale 1 Gool ayuu u dhaliyey dalkiisa.

2 Paul Pogba Marka ma dhiibin oo lama dhalin Kubada si toos ah lugtiisa uga soo baxday marka laga reebo Kubada uu midkale soo Marsiiyey sida Goolkii Juan Mata uu ka dhaliyey Leicester,

3 Xidigaan Waxa uu qaatay 1 Jaale oo kaliya oo Xiligaan inkastoo uu kooxdiisa u keenay 15 kubadood oo laad toos ah laga dhigay oo lagu tuuray Man United.

4 Paul Pogba Waxaa uu Sameeyey 120 Raacitaan waxa uu Ku Guuleystey 66 oo kaliya inta kale Waxa ay ahaayeen qalad.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook