opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo maanta dhaceysa

hirshabeele
FacebookTwitterGoogle+Share

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen ee Maamulka HirShabeelle ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Jowhar, iyadoo xalay la dhageystay khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilalkaas.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa mid mid u dhageystay khudbadaha ay jeedinayeen musharaxiinta oo ay uga hadlayeen hadii la doorto waxyaabaha ay qabanayaan.

Illaa saddex Musharax ayaa u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, kuwaasoo kala ah Abuukar Xasan Cali (Maqaney) oo ah guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Guddoomiyihii hore ee degmada Beledweyn Sheekh Cismaan Barre iyo Cali Cabdulle Isgoow.

Sidoo kale xilka Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa u taagan hal Musharax oo lagu magacaabo Cabdi Xuseen Geeddi, halka Guddoomiye kuxigeenka labaad ay u taagan yihiin saddex musharax oo mid ay tahay haweeney.

Wariyaha Jowhar.com ayaa soo sheegaya in inkastoo dib u dhac ku yimid jadwalkii ay soo bandhigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa hadana waxaa dar dar ku socda dhameystirka Maamulka Hirshabeelle, iyadoo xalay la dhageystay khudbadaha Musharaxiinta.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana hoolka uu shirka ka socdo ku sugan ciidamada ammaanka, waxaana xiray jidad dhowr ah oo laga soo galo halka shirka ka socdo iyo daafaha magaalada.

Maalinta Sabtida ayaa lagu wadaa in la doorto Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle iyo kuxigeenkiisa, waxaana u taagan Musharaxiin dhowr ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook