opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare oo Maanta markale ka dhaceysa Magaalada Cadaado +Cod

galmudug
FacebookTwitterGoogle+Share

Doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay ka bilaabatay magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Galmudug, kaasi oo ay ku tartamaayeen 19 xubnood.

Doorashada ayaa laga rabaa inay ku soo baxaan 8 xubnood oo Dowlad goboleedka Galmudug u matala aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shalay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug waxa ay doorteen 5 xubnood oo ka mid noqon doonaan xubnaha Aqalka Sare u matalaya maamulka Galmudug.

Waxaa Saaka lagu wadaa in markale ay bilaabatay doorashada xubnaha ka dhiman  Aqalka Sare ee ka imanaya deegaanada maamulka Galmudug, waxaana lagu wadaa in maanta la doorto 3 xubnood oo shalay kasoo haray 8 xubnood ee laga rabay maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ugu baaqay xubnaha baarlamaanka maamulka Galmudug in ay saaka soo xaadiraan si ay u doortaan xubnaha ka dhiman sideeda xubnood ee maamulka Galmudug u matalaya Aqalka Sare.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook