opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dowlada Somalia oo amar ku bixisay in Mudo bil gudaheed lagu soo xiro Safaaradii Sanca

top-news1
FacebookTwitterGoogle+Share

Wasaarada Arimaha Dibbada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in mudo bil gudaheed lagu soo xiro Safaaradii Dowlada Soomaaliya ku laheed magaalada Sanca ee Caasimada dalka Yeman.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ahna sii haya Safiirka Soomaaliya ee Yemen Cusmaan Axmed Maxamed ayaa sheegay in Warqad kaga timid Wasaarada Arimaha Dibadda lagu amray in mudo bil gudaheed lagu soo xiro Safaarada Sanca ka furneed.
Waxa uu sheegay Cusmaan Axmed in Warqada kaga timid Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya aan lagu cadeyn sababta ka dambeysa in la xiro Safaarada uu tilmaamay in shaqo badan u heysay Soomaalida kunool dalka Yeman.

Sii haya Safiirka Soomaaliya ee Yemen ayaa tilmaamay in sababta Dowlada Soomaaliya u xireyso Yeman ay u maleenayaan in ay tahay go’aan dowlada ku taageereyso Dowlada sharciga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Cadan.
”Hadii la xiro safaarada dhibaato xoogan ayaa ka imaaneysa, safaarada shaqo badan ayey u heysayaa Soomaalida kunool dalka Yeman , Dowlada ayaana amartay in la xiro safaarada, waxaana u maleeneynaa in sababta loo xirayo safaarada ay tahay go’aan dowlada ku taageryso dowlada Sharciga ” Ayuu yiri Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Yeman.

Dowlada Soomaaliya ayaa maalmo kahor cambaareesay weerar gantaal ah ay kooxda Xuutiyiinta ku rideen magaalada Barakesan ee Makka, waxa ayna Dowlada Soomaaliya horey u taageertay Xulufada Scauudiga Hogaaminayo ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta ee hada ka taliya magaalada Sanca.

safaarada-soomaaliya-ee-sanca

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook