opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dowladda Federaalka Oo Ku Guuleysatay Kala Jabinta Reer Hiiraan

top-news1
FacebookTwitterGoogle+Share

Dedaal badan oo ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaaliya ayaa waxay ku guuleysatay kala jabinta reer Hiiraan oo muddo badan diidanaa shirka ka soconaya Jowhar.

Magaalada Jowhar waxaa ku qulqulaya siyaasiyiin aad u badan islamarkaana xil doon ah, kuwaasi oo horey aad u mucaaradsanaa maamulka Hirshabelle.

C/fitaax Xasan Afrax ayaa kamid ah xubnaha diidanaa maamulka Hirshabelle, balse markii uu arkay xaaladda ka jira Hiiraan, shirka B/weyne uu doorbiday in Hirshabelle kusoo biiro, isaga oo tagey Jowhar.

Sidoo kale Yuusuf Dabageed ayaa isna kamid ah xubnaha aadka u diidanaa shirka Jowhar, balse Muqdisho ayuu yimid, Taleefannadiina waa uu ka densaday waxgaradka gobolka.

Dabageed ayaa sidoo kale albaabada isugu dhuftay shirkii Hiiraan, waxaana taasi ay muujisay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay u kala jabisay reer Hiiraan.

Waxa la sugayaa dhowaan iney Jowhar tagaan xubno kale oo reer Hiiraan ah, sababtuna waxay tahay beesha Xawaadle ayaa loo ballanqaadey in ay helaan madaxweynaha Hirshabelle.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook