opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Ethopia oo Ciidamadeeda kala bexeysa Soomaaliya +Sababta

itoo
FacebookTwitterGoogle+Share

Dowladda Federalka Itoobiya ayaa la sheegay inay la baxayso kumanaan Askari oo qayb ka ahaa hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ka hawlgeli jirey Degmooyinka Somaliya ee kaabiga ku haya xuduudka dalkaasi.

Saldhigyada askarta Itoobiya, ayaana laga dareemayaa inay ku jiraan dhaq dhaqaaqyo ay dib ugu laabanayan dalkooda.

Ciiddankii Itoobiya ee ku sugnaa Degaanka Ceel-cali ee Gobalka Hiiraan, ayaa ka ruqaansaday halkaasi, kadib, markii ay dagaalamayaasha Al Shabaab weerar madaafiic ku asqeysiiyen saldhiga askartaasi.

Sidoo kale, Saldhigyadda ay ku lahaayeen Gobaladda Hiiraan, Bakool iyo Gedo, ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyada ay uga baxayan Somaliya.

Tallaabadan, ayaa timid, ka dib markii Xukuumadda Addis Ababa soo rogtay xaalad deg deg ah, oo socon doona muddo 6 bilood ah, markii ay qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada dhigeen dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan hogaanka dalkaasi.

Ugu yaraan 500 oo qof, ayaa lagu dilay dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeedo Dowladda Federalka Itoobiya.

Dhinaca kale waxay dowladdu hawlgelisay kumanaan askari, kuwaasi oo loo daad-gureeyay gobaladda ay kacdoonka iyo Xiisadaha ka taagan yihiin.

Waxaana laga cabsi qabaa in ay xaaladda ammaanka ee dalkaasi faraha ka baxdo, iyadoo ay sii kordhayaan dadka mucaaradssan siyaasadda Dowladda dalkaasi.

Dowladda Itoobiya waxay ku eedeysay Masar iyo Eritrea inay hub, maalgelin, tababar iyo taageero siinayan kooxaha mucaaradka ee soo abaabulay dibadbaxyadda rabahsadaha wata, ee ka socda inta badan deegaanada ay deggaan qowmiyadahaasi, oo iyagu ah qabaa’iladda ugu tiro badan Itoobiya.

Qabiilka Tigreega ee majaraha u haya talada dalkaasi, ayaa la sheegay inuu 6% ka yahay tirada guud ee dadka reer Itoobiya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook