opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Falanqeyn Xiiso badan ee Chelsea iyo Man United

FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa Maqribnimada Saacada Geeska Africa kulan aad u adag uu dhex mari doonaa Kooxaha Camaaliqada Horyaalka England ee kala ah Chelsea iyo Manchester United Waxaana laysku fara Saari doonaa Garoonka Caanka ah ee Stamford Bridge.

Naadiga Chelsea ayaa Waxaa ay dib u heli doontaa oo dhaawac ka soo laabtay Kabtankeeda John Terry lamana oga in lagu soo bilaabi doono Kulanka Galabta Waxaase Xaqiiq ah in aysan u dheeli doonin Xidigaha kala ah Cesc Fabregas iyo Branislav Ivanovic kuwaas oo dhaawac ku maqan.

Manchester United Waxaa shaki lagelinayaa in uu dheeli karayo daafaca Chris Smalling kaas oo dhaawac lagu badalay Kulankii Fenerbahce Waxaase dhaawac ka soo laabtay oo diyaar ah Henrikh Mkhitaryan.

Kulankaan waxaa Xiiso u yeelaya soo laabshada Garoonkii uu shaqadii u horeysey ee uu dalka England ka qabto ka bilaabay Jose Mourinho Sanadkii 2004 Waxaana uu Kooxdaan u qaaday 5 Koob 2 Xili oo uu Macalin u noqday Waxaana uu halkaas ku qaatay Xili farxad badan iyo Xili Murogo badan.

Jose Mourinho oo Stamford Bridge laga Cayriyey 10 bilood ka hor ayaa Waxaa sugaya Cayaartoy badan oo uu bahdilaad ku sameeyey intii uu Macalinka u ahaa Chelsea kuwaas oo doonaya in ay ka aar gutaan Ninkaan u dhashay dalka Portugal.

Hadalkii Antonio Conte

Waxaan doonayaa in aan Guul ka gaaro kulanka Man United mana doonayo in aan Maro Wadadii kulamdii Arsenal iyo Liverpool Waxaana Cayaarta aan dheeleyno qaybta ugu ka qaadan doona Taageerayaasha Kooxdeena oo aan ka sugeyno Garab in ay nasiiyaan Waxaan kaloo Rajeynayaan in Jose Mourinho ay soo dhaweyn doonaan.

Hadalkii Jose Mourinho

Madoonayo in aan falanqayn ka bixiyo qaabkii ay Chelsea ku bilaawday Xili Cayaareedkaan waxaanse ogahay in ay meelaha dhexe kujiraan Waxa kaliya ee aan kahadali karayo waa Kooxdeyda Man United oo aan doonayo in ay Guul kala soo laabtaan Stamford Bridge aniga oo meel iska dhigi doona Wax kasta oo Sax iyo qalad ah oo aan isla soo marnay Naadiga Chelsea.

Waxaan kaloo Cadaynayaa in aanan Markii 3 aad Macalin u noqon doonin Chelsea Taas badalkeeda Sanado aad u abadan ayaan Joogi doonaa Man United Guulana Gaarsiin doonaa.

Chelsea lagama badin 10 kii kulan ee u dambeeyey ee ay Lacayaartay Man United Horyaalka iyo Koobab intaba 5 mar bareejo ayey galeen 5 marna Chelsea ayaa badisay.

Man United oo ku badisa Premier League Stamford Bridge Waxaa ugu dambeysey October 2012.

Chelsea ayaa hadii ay badiso kulankaan waxa uu u noqon doonaa kii 50 aad ee ay ka badiso Man United dhamaan inta jeer ee ay Kulmeen Tartamada oo dhan,

Afar Roose ayaa dhacday 6 dii kulan ee Premier League ay ku dheeleen Stamford Bridge.

Manchester United oo ku badisa Ciida London Waxaa ugu dambeysey Sanadkii 2015 Xiligaaas oo ay 2-1 kaga badiyeen Horyaalka England Crystal Palace.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook