opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Faroole iyo Jen. Moorgan oo ugu cad cad musharixiinta Aqalka Sare ee Puntland +SAWIRRO

FacebookTwitterGoogle+Share

Baarlamanka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta magaaladda Garoowe ka bilaabay dhegaysiga khudbadaha musharixiinta u tartamaya xubinimadda Aqalka sare.

Musharixiinta aqalka sare u taagan oo tiradoodu gaareyso 29 xubnood ayaa khudbadahooda ka hor jeedinaya xildhibaanada Baarlamanka Puntland.

Wuxuu soo bandhigayaa musharax walba aqoontiisa, waayo aragnimadiisa iyo waxqabadkiisa ku aadan u adeegida bulshadda.

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in baarlamannka maamulka Puntland uu doorto 11 xubnood ee maamulkaas ku meteli doona aqalka sare, waxaana musharaxiinta ku jira siyaasiyiin hore iyo rag iyo dumar siyaasada ku cusub.

Musharixiinta khudbadhooda ka hor jeediyay baarlamaanka, waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, Cabdi Mahdi oo la tartamaya faroole iyo dhowr musharax oo kale.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka mid ah xubnaha u tartamaya aqalka sare ayaan maanta joogin dhegaysiga khudbadaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Guddiyadda doorashooyinka dadban ee heer Federaal iyo maamul goboleed, Xubno ka tirsan gollaha wasiiradda Puntland, xildhibaano iyo xubno kale ayaa ka qeyb galaya kulanka dhegeysiga musharaxiinta aqalka sare.










Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook