opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Gaas iyo Galan oo kukulmaya Carmo

FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Max’ed Cali Gaas,ayaa gaaray degmada Carmo, halkaas oo uu ku sugan yahay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/Samad Gallan.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/Samad Gallan ayaa Sanadkii la soo dhaafay ka goostay Maamulka Puntland kadib xil ka qaadis lagu sameeyay waxaana uu sameystay Ciidan hubeysan oo uu ku sheegay in uu ku xoreynayo Puntland.

Beesha uu ka soo jeedo C/Samad Gallan iyo Maamulka Puntland ayaa dhawaan heshiis ka gaaray xiisadda u dhaxeysa Madaxweynaha Puntland iyo C/samad Maxamed Gallan,waxaana lagu heshiiyay in la soo afjaro jabhadeynta C/Samad islamarkaana la xalliyo waxa ku kallifay in uu ciidan ka soo horjeedo maamulka Puntland ku sameysto Gobolka Bari.

Waffdi uu hoggaamiyanayo Gaas, oo ay ka mid yihiin Odayaasha Gobolka Bari ayaa gaaray Degmada Carmo,waxaana lagu wadaa in halkaasi ay ku soo afjaraan xiisaddii u dhaxeysay C/Wali Gaas oo horay xilka Guddoomiyaha Gobolka Bari uga qaaday C/Samad Gallan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook