opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Galmudug iyo Puntland Oo Is Dhaafsadey Maxaabiis +Cod

index1
FacebookTwitterGoogle+Share

Waxgaradka iyo Ganacstada gobolka Mudug ayaa shalay ku guuleestay in la is dhaafsado maxaabiis lagu qabtay dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeyay maamulada Galmudug iyo Puntland.

Maamulka Galmudug ayaa ku wareejiyay dhinaca Puntland sadex nin oo mid kamid ah uu ahaa ganacsade, halka dhinaca Puntland iyana ay kusoo wareejisay Galmudug Nin Maxbuus ahaan u heesteen.

Cali Diiriye Aloore oo kamid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa sheegay in lagu guuleestay in maamulada Galmudug iyo Puntland is dhaafsadaan maxaabiis ay kala heesteen, waxa uuna tilmaamay in dadaalkaasi bixiyeen xoogiisa Ganacsatada gobolka Mudug.

” Waxaa lagu guuleestay in laga shaqeeyo sidii ay maxaabiis isku dhaafsan lahaayeen labada maamul, dadaalka xoogiisa waxaa bixiyay Ganacsatada labada dhinac oo iyagu ka dhaxeyso shaqada iyo waxyaabo badan” Ayuu yiri Nabadoon Aloore.

Magaalada Gaalkacyo maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday dagaal u dhaxeysay ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland, dagaalka ayaana intii uu socday lagu kala qabsaday maxaabiis qaarkood dagaalamayeen.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook