opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Galmudug oo Gaalkacyo ku soo bandhigtay Askar Jubbaland ah oo Ciidamada Puntland la socday

1
FacebookTwitterGoogle+Share

Taliska Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug ee Gobolka Mudug ayaa Maanta Magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigay Maxaabiis ay sheegeen in ay ku qabteen Dagaalka Magaalada Gaalkacyo.

Maxaabiista ay ku soo bandhigeen Magaalada Gaalkacyo Taliska Booliska Galmudug ayaa gaaraya Saddex Nin,waxaana ay sheegeen in Saddexda Nin ee ay soo bandhigeen ay ka mid yihiin Ciidamada Maamulka Jubbaland,kuwaas oo la qabtay iyagoo ka barbar dagaalamaya Ciidamada Puntland sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska Galmudug.

Saddexda Maxbuus ee Galmudug ay ku soo bandhigtay Magaalada Gaalkacyo ayaa mid kamid waxaa uu qabaa Dhaawac ka soo gaaray Dagaalka ka dhacay Gaalkacyo.

Halka lagu soo Bandhigay Ciidanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo masuuliyiin ka tirsan Galmudug goobta ku sugnaayeen waxaana Qaarkood ka Cararay Ciidanka la socday.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook