opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Galmudug oo Shegtay in ay Hayaan Maxaabiis laga Qabtay Ciidanka Puntland +Cod

FacebookTwitterGoogle+Share

Maamulka Galmudug ayaa ka Warbixisay Dagaalkii Maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee dhexmaray Ciidamada Galmudug iyo Puntland, Kaasi oo gaystay Khasaare kala duwan.

Afhayeenka Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Axmed Xasan Faarax ayaa sheegay in Dagaalkii Maanta Maamulka Puntland looga dilay 14 Askari islamarkaana looga Gubay Labo Gaadhi oo Nooca Dagaalka ah, Wuxuuna sheegay in Ciidamada Galmudug ay Gacanta ku hayaan Maxaabiis laga qabtay Puntland, oo Warbaahint ay usoo Bandhigi doonaan.

“Dagaalku waanu kusii wadaynaa, Daayin Abidkeen, Waan-waan danbe ma Jirto, Heshiis danbe na dhex Mari maayo, Gaalkacyo Galmudug ama Puntland ayaa u Hadhaysa” ayuu yidhi.
Afhayeenka Gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Xasan Faarax ayaa Sheegay inay dagaalka Sii wadi doonaan, Ilaa ay Puntland Qirato inay Galmudug tahay maamul Soomaaliyeed oo Jira, Sidoo kale Wuxuu sheegay in Gaadiidka Dagaalka ay ku gubeen ay u Malaynayaan in laga keenay Jabubaland ama Maamulka Soomaalida Itoobiya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook