opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Gen Cabdi Qeybdiid”Puntland waa Kaankaro in la jaro ayey u baahan tahay”

gen-cabdi-qeybdiid
FacebookTwitterGoogle+Share

General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo Wareysi siiyay mid kamid ah Tv-yada ku hadla Afka Soomaaliya ayaa ka hadlay Hadalada Xun xun ee ka soo yeeraya Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland.

Gen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in Puntland Afkeedu uu ka soo baxay Dhawr Jeer hadalo aan is qaban oo ay ka mid yihiin, waxaa Dagaal nagu soo qaaday Galmudug,Al-shabaab,QM, AMISOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya,iyadoo aysan meel isla galeyn Hadaladaas Fulaynimada ah.

“Aniga wax ka sheegi maayo Shacabka Wanaagsan ee Reer Puntland,balse Horjoogeyaasha Puntland wax kale kuma Sifeyn karo waa Kaankaro Kaankarana waxa ay u baahan tahay in Meesha ay ku dhacday lagooyo si Xubnaha kale ay Caafimaad u helaan Soomaaliyana ay u heshiiso”ayuu yiri Gen Qeybdiid.

Sidoo kale Cabdi Xasan Cawaale ayaa sheegay in Puntland Siyaasiinta Hogaamiya aysan Aqoon u laheyn sida Ummadda loola Macaamilo sidaa daraadeedna ay hadda ku jirto Xaalad Jahareer ah.

“Puntland Xiligii Faroole Galmudug Wada-shaqeyn iyo Saaxiibtinimo ayaa ka dhaxeysay,balse hadda Gaas siduu u qabsaday God ayey ku dhacday,waayo waxaa Xulufada Gaas ka qaldan Habka wax loo Maamulo,waxaan Maqli jiray Shimbir Maalin ayey Dab qaaday Markaas ayey Buulkii Hooyadeed ku gubtay,Cabdi welina waa sidaas oo Markii uu Xilka ka qabtay Puntland ayuu Meel walba dab uga shiday”sidaa waxaa yiri Gen Qeybdiid.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Gen Cabdi Qeybdiid”Puntland waa Kaankaro in la jaro ayey u baahan tahay””

  1. maxamed sulub says:

    Waxan ujawabaya Gen Cabdi Qaybdiid oo ah Xildhiban Aqalka Sare ee fadarlka somaliya,sida laga warqabo Gen Qaybdiid,waxa ku habon in uu Dagalka ucadeystay in uu nabad ku badalo,waxan xususta in Col Abdulahi yusuuf madaxweynihi hore ee DFS,in uu Qaybdiid Xilka taliyaha Police somaliya umagacabay darajada Ganan ka dhigay,Asagoo tarikhdisa la’ogyahay in malin kasta dagal u’olaleyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook