opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Gianluigi Buffon oo abaal marintaan ku garaacay Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi+Sawiro

1
FacebookTwitterGoogle+Share

Goolhayaha kooxda Juventus iyo Xulka dalka Talyaaniga Gianluigi Buffon ayaa lagudoonsiiyey abaal marinta Cagta dahabka ah 2016 isaga oo ku Garaacay oo kaga Guuleystey Xidigihii kula tartamay oo kala ahaa Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Gianluigi Buffon oo abaalmarinta Cagta dahabka ah Waxaa lagu Gudoonsiiyey Munaasabad ka dhacday Magaalada Monte Carlo Waxa uuna ka Codbatay Cayaartoyda kala ah Cristiano Ronaldo Lionel Messi Andrea Pirlo, Thiago Silva iyo Wayne Rooney.

Xidigaan Rug Cadaaga ah ayaa Noqday Goolhayihii koowaad ee Taariikhda lagudoonsiiyo Cagta dahabka oo labixinayey 28 kii Sano ee la soo dhaafay waxaana uu ku muteystey Markii uu Kooxdiisa Juventus u qaaday Xiligii la soo dhaafay Horyaalka iyo Koobka Talyaaniga sidoo kalana dalkiisa uu keenay Wareega 8 da ee koobka yurub,

Cayaartoyda Talyaaniga ah ee horay ugu Guuleystey Cagta dahabka ah waxa ay kala yihiin Roberto Baggio (2003), Alessandro Del Piero (2007) and Francesco Totti (2010).

Buffon ayaa Markii lagudoonsiiyey Abaal marintaan waxa uu u Mahadceliyey dhamaan Cayaartoyda Kooxdiisa iyo qarankiisa Waxa uuna sheegay in Goolhayaha 17 Sano jirka ah ee u dheela AC Milan Donnarumma uu isaga kabadli doono booska uu jooga Waxa uuna ku tilmaamay kan ugu fiican dhamaan Goolahye yaasha Xiligaan.

1 2 3 4

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook