opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Goolhaye Iker Casillas Oo Noqday Ciyaariyahanka Ugu Guulaha Badan Champions League-ga, Yaase Kusoo Xiga?

casillas-768x432
FacebookTwitterGoogle+Share

Goolhayaha da’da ah ee reer Spain Iker Casillas ayaa ka caawiyay kooxdiisa Fc Porto ee dalka Portugal iney 2-1 ku dubato kooxda Club Brugge oo ay marti u ahaayeen ciyaar ka tirsaneed wareegga group-yada koobka horyaalada yurub ee Champions League.

Guushaas waxey uga dhigneed Iker Casillas guushii 92-aad tasaoo ka dhigan inuu noqday ciyaariyahanka ugu guulaha badan koobkaan marka la isku daro kulamadii uu u ciyaaray kooxaha Real Madrid iyo Fc Porto.

Casillas ayaa noqday goolhayihii ugu da’da yaraa ee kasoo muuqda Champions League markii uu goolka u galay Real Madrid isagoo jira 19-sano iyo 4 Maalmood oo qura, wuxuuna ka caawiyay waqtigaas iney magaalada Paris koobka kaga qaadaan kooxda Valencia xili ciyaareedkii 1999/2000.

16-sano oo uu ku sugnaa garoonka Bernabeu wuxuu ku guuleystay Sadex Champions League, Iker ayaa rikoorka dhanka guulaha ka saramaray halyeeygii hore Barcelona Xavi Heranndez.

35-jirkaan wuxuu wali heli karaa fursado badan oo uu kaga soo muuqdo kooxda Porto isla markaana uu kusii kordhiyo rikoorkisa.

Inkastoo uu hawlganbay Xavi hadana qatarta ugu badan ee difaacashada rikoorkaan wuxuu ka heli karaa saaxiibkiisii hore Real Madrid Cristiano Ronaldo kaas oo 11-guulood kaliya u jira, marka la eego guulaha Madrid iyo sida ay kooxda caasimadda ka dhisan ugu nugleed mudooyinkaan tartankaan ayaana la oran karaa CR7 waa qatarta ugu weyn ee rikoorkaan.

Kabtanka halka jeer ku guuleystay koobkaan laba jeerna kaalinta labaad galay Philipp Lahm ayaa liiskaan soo galay kana mid ah ciyaartoyda ugu badan guulaha koobkaan ee wali ciyaaraya wuxuuna gaaray 66, balse waxaa ka sareeya Andreas Iniesta oo badiyay 71-kulan, halka Raul Gonzales oo soo maray Real Madrid iyo Schalke 04 uu guuleystay 79-kulan.

won

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook