opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Guddoomiyaha G.Banaadir Taliyihii Hore ee NISA iyo Wafdi Sare oo Jowhar gaaray +Sawirro

FacebookTwitterGoogle+Share

Wafdi Sare oo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa Goordhaw Waxa ay gaareen Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelada dhexe.

Wafdigaan Maanta gaaray Jowhar waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Shiikh Yuusuf Jimcaale Madaale, Wasiiru Dowlada Maaliyada Xukuumadda Soomaliya Taliyihii Hore ee Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka C/Raxmaan Tuuryare iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay Masuuliyiin uu ka Mid yahay Xog-hayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha Yaxe.

Soo dhaweyn ka dib Wafdiga waxaa loo galbiyay Xarunta Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe uu ku howlgalo ee Magaalada Jowhar Iyadoona Halkaasi uu ku suganyahay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/Raxmaan Odowaa.

Ujeedka Socdaalka Wafdigaan ayaa waxa lagu sheegay in ay tahay Xalinta Khilaafaad shalay ka dhashay Shirka Jowhar iyo Shaqaaqad ka dhacday xaruntii uu ka socda Shirka Maamul u sameynta Halkaasi oo Maleeshiyo Hubeysan oo ay joojiyeen Shirka Jowhar waxaana Maleeshiyadaasi watay Mid ka mid ah Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweyne ku Xigeen ee Maamulka Hirshabele kaasi oo lagu Magacaabo Cali Xasan Taakow.

Hada Xarunta Maamulka Waxaa ka socda Shir lagu xalinaayo Khilaafka taagan Waxaana Shir gudoominaayo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/Raxmaan Odowaa Waxaana ku sugan Cali Xasan Taakoow oo Shalay banaday Shirka Jowhar.

 

fb_img_1476522819014 fb_img_1476522821646 fb_img_1476522823213 fb_img_1476522824699 fb_img_1476522828780 fb_img_1476522833186 fb_img_1476523171949 fb_img_1476523178783 fb_img_1476523193158 fb_img_1476523195195 fb_img_1476523203759

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook