opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Gudiga Doorashooyinka Dadban oo Bogaadiyay Puntland,Galmudug,Jubbaland iyo Koonfur Galbeed

FacebookTwitterGoogle+Share

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxaa uu soo dhaweynayaa dowlad gobaleedyada Puntland iyo Koofur Galbeed oo ku guulestay in ay soo doortaan Xubnihii u matalayey aqalka sare wuxuuna guddigu ugu hambalyeynayaa sida ay ugu dadaleen in ay qondada haweenkana soo buxiyaan.

Guddigu sidaas oo kale wuxuu soo dhaweynayaa dowlad gobaleedka Jubbaland oo ku gulaysatay in ay doorato xubnihii u matali lahaa aqalka sare.

Guddigu waxaa uu soo dhaweynayaa dhismaha dowlad goboleedka HirShabeelle waxaana uu ugu baaqayaa in ay soo dedejiyaan magacaabista musharraxiinta u tartamaya aqalka sare iyagoo dhowraya guud ahaan shuruudaha ay madashu u dajisay magacaabista musharraxiinta aqalka sare sida in 30% kuraasta aqalka sare ay haweenka si gaar ah ay ugu tartamaan.

Guddigu waxaa uu hoosta ka xariiqayaa in afar (4) dowlad goboleed oo kala ah: Gal-Mudug, Jubaland, Koofur Galbeed iyo Puntland in ay soo dhameystireen doorashadii xubnihii u matali lahaa aqalka sare, taas oo ka dhigeysa xildhibaanada aqalka sare ee ilaa hada la soo doortay 35 xildhibaan oo u dhiganta 65% ee tirada guud ee xubnaha aqalka sare oo ah 54.

Dhamaad

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD)

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook