opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Guuleed oo wata Ciidan iyo Gaadiid dagaal oo gaaray Godinlabe +Sawirro

lates2
FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo ciidamo uu hogaaminayo ayaa goor dhow waxa ay gaareen meel u dhaw Deegaanka Godinlabe oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Deegaanka Godinlabe maanta waxaa gacan ku heyntiisa la wareegay Ciidanka Ahlu Sunna iyo Maleeshiyaad hubeysan kadib markii ay halkaasi kula dagaalameen Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Galmudug.

Ujeedka Madaxweynaha Maamulka Galmudug uu ku tagay nawaaxiga Deegaanka Godinlabe ayaa lagu sheegay in uu yahay sidii wax looga qaban lahaa xiisada Dagaal ee u dhaxeysa Maamulka Galmudug iyo Maamulka Ahlu-Suna.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud, kadib markii maanta halkaasi uu ka dhacay Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

1 2 3

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook