opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Isku Duwihii Maaliyada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed oo dagaalka kudhintay

lates
FacebookTwitterGoogle+Share

Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose Waxa Gelinkii Dambe ee Maanta Weerar Dhowr jiho ah oo Qaraxyo ku biloowday ku soo qaaday Ururka Al-Shabaab iyagoona la wareegay Magaalada Inteeda badan.

Dagaalka iyo Weerarka Halkaas ka dhacay Waxa la sheegayaa inay ku dhinteen Mas’uul ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada Fedraalka.

Wararku waxay sheegayaan in Dagaalka lagu dilay Isku Duwihii Maaliyada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud (Qooleey) sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed.

Sidoo kale weerarkaasi waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Labo sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Dowladda, waxaana ku dhaawacantay Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo xilligii uu weerarka dhacayay ku sugnaa goobtaasi.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook