opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Jubbaland oo Sharaxday Sababta loo waayay kursi ka mid ah kuraasta Haweenka ee Aqalka Sare +Cod

axmed-madoobe
FacebookTwitterGoogle+Share

Magaalada Kismaayo ee xarunta Baarlamaanka Jubbaland shalay waxaa ka dhacday Munsaabad lagu dooranayay xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Deegaanada Jubbaland.

Xubnaha Aqalka Sare ee Maamulka Jubbaland ayaa la filayay in ay noqdaan 6 ka mid ah Rag, halka Labada kalena la filayay in ay noqdaan Dumar, maadaama 8 kuri ay yihiin.

Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa u codeeyay in 7 ka mid ah ay noqdaan Rag, halka kursiga sideedaad ay u doorteen Dumar, taas oo ka dhigeysa in mid ka mid ah kuraasta Haweenka Aqalka Sare ku matali lahaa Deegaanada Jubbaland ay meesha ka baxday.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi C/raxmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka jawaabaya sababta kursi ka mid ah kuraasta Haweenka ee Aqalka Sare ee Deegaanada Jubbaland looga waayay 8-da xubnood ee ay soo doorteen xildhibaanada Jubbaland.

Xubnahaasi 8-da ah ayaa waxaa loo soo gudbiyay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka, waxaana laga sugayaa in ay war ka soo saaraan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook