opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay C/wali Gaas & Camey iyo Xaalada oo kacsan

gaas-iyo-cameey
FacebookTwitterGoogle+Share

Khilaaf hor leh ayaa soo kala dhexgalay madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey, khilaafkaan oo ku saabsan in la furo baarlamaanka Puntland oo lagu kordhiyo 15 xubnood, maadaama beelaha Puntland qaarkood aysan xubno ku lahayn Golaha wakiilada, halka beelaha qaarkoodna ay si meerto ah iskaga sugaan xubnaha.

Khilaafkaan ayaa yimid ka dib markii Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas , intii uu ku gudo jiray qaybinta 11-ka xubnood ee Qoondada Puntland ee baarlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya, uu beelaha aan helin xubinta aqalka uu ku qanciyey inuu furi doono baarlamaanka Puntland uuna ku kordhin doono 15 xubnood, islamarkaasina beelahaas ay 15-ka xubnood wax ka heli doonaan.

Sidoo kale madaxwaynuhu wuxuu sheegay in 15-kaan xubnood ay fursad u tahay beelaha Puntland dega ee aan xubnaha ku lahayn 66-ka xubnood ee golaha wakiilada Puntland, hase yeeshee waxaa arrinkaas ka horyimid oo diiday madaxwayne ku xigeenka C/xakiin Camey.

C/xakiin Camey ayaa beelihii madaxwayne Gaas ka ballanqaaday inay 15-kaas xubnood wax ka heli doonaan u sheegay inaan baarlamaanka la furi doonin oo aan lagu kordhin doonin 15 xubnood iyo wax la mid ah, islamarkaasina baarlamaanka Puntland uu sidiisa ahaan doono.

Beelihii madaxweyne Gaas uu u sheegay inuu baarlamaanka Furi doono uuna xubnahaan ku kordhin doono ayaa aad uga xumaaday, inuu madaxweyne ku xigeenku beeniyo hadalkii madaxwayne Gaas, arrintaan oo caqabad ku noqonayso sida loo aamini karo ballanqaadyada madaxda Puntland.

Beesha Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ee Dhulbahante ayaa Puntland ku leh 15 xubnood oo ka mid ah 66-ka xubnood taas oo ka dhigan in ka badan 30% awoodda Dastuuriga ah ee Puntland, waxaana dadka siyaasadda Puntland la socda ay sheegayaan in arrintaas darteed uu madaxwayne ku xigeenku uga horyimid hadalka madaxwayne Gaas ee ah in la furo baarlamaanka oo xubno cusub lagu daro tirada guudna laga dhigo 81 xubnood.

Ilo wareedyo ku dhaw dhaw madaxtooyada Puntland ayaa Warbaahinta Wardoon.net u xaqiijiyey in khilaafkaan cusub uu ka mid yahay kuwii ugu adkaa ee soo dhexgalay madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa dawladda Puntland mudadii ay xilka hayeen.

Si kastaba ha noqotee, lama oga halka uu saldhigan doono khilaafkaan cusub, xilli madaxwayne Gaas ku adkaysanayo inuu furayo baarlamaanka oo kordhin doono, halka ku xigeenkiisuna uu arrinkaas meel adag ka taagan yahay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook