opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Liiska Ergada Dooraneysa Xildhibaanada ee loo gudbiyay Guddiga Doorashooyinka oo lasoo bandhigay +Cod

gudi
FacebookTwitterGoogle+Share

Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Federaal ayaa maanta soo bandhigay tirada Ergada dooraneysa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee loo soo gudbiyay, waxaana liiskan uu yahy wali mid qabyo ah.

Waxa ay sheegeen Guddiga in loo soo gudbiyay magacyada 6,528 Ergo oo soo dooran doona Xubnaha kamid noqonaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana liiskan lasoo gudbiyay Ergada ugu badan ku leh Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga ayaan loo gudbin wax ergo ah oo kamid ah kuwa soo dooranaya xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya gobolada Waqooyi, waxaana loo aaneenayaa cabashada ay qabaan Siyaasiyiinta kasoo jeeda Maamulka Somalialnd.
Ergada dooraneysa xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaraya 1,425 ergo, waxaana tirada hada la gudbiyay ay tahay mid aad uga yar kala bar , waxaana la filayaa ergada dhiman in dhawaan Guddiga loo gudbiyo.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in maalinta berito la bilaabi doona diiwaangalinta Musharixiinta u tartami doonta Kuraastaasi, Waxaana Gudiga ka dalbaday Odayaasha dhaqanka iyo maamullada ay Ergooyinkooda ku dhimanyihiin in ay sida ugu dhaqsiimaha badan kusoo dhameystiraan.


Halkan ka Aqriso sida Maamulada u kala gudbiyeen Ergada dooraneysa Baarlamaanka.

guddiga_doorashada_ergooyinka

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook