opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Maamulka Hirshabelle oo maanta soo gudbinaya Xubnaha Aqalka Sare

hirshabeele
FacebookTwitterGoogle+Share

-Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in Maamul Goboleedka Hirshabelle uu Guddiga Doorashooyinka Dadban u soo gudbiyo Xubnaha Aqalka sare ee Hirshabelle ka soo galaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Beelaha Dega Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ay durba Qeylo ka keeneen qaabka loo soo xulay Xubnaha Aqalka sare Ee Hirshabelle.

Guddiga Doorashooyinka Marka loo soo gudbiyo Liiska Xubnaha Aqalka Sare ayey dib ugu Celin doonaan Maamulka Hirshabelle,waxaana Baarlamaanka Hirshabelle ay Cod u qaadi doonaan Musharaxiinta ku Tartamaya Kursiga Xubnaha Aqalka Sare.

Horay Maamulada Puntland,Galmudug,Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa soo doortay Aqalka Sare waxaana hadda la sugayaa Hirshabelle iyo Xubnihii ku aaday dadka Dega Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ee hadda loo yaqaanno Somaliland.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook