opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Madaxda Puntland iyo Galmudug oo Lagu Dhexdhexaadinayo Dalka Imaaraadka Carabta

heshiis8
FacebookTwitterGoogle+Share

Wararka laga helayo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in halkaasi lagu dhexdhexaadinayo madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.

Labada madaxweyne oo ay u dhaxeyso xiisad colaadeed ka oogan tahay magaalada Gaalkacyo ayaa hadda ku wada sugan dalka Imaaraadka Carabta, waxaana ku wehliya madaxweynayaasha maamulada kale ee Soomaalida iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

Imaaraadka Carabta oo galaangal weyn ku leh maamulada Soomaalida ayaa si aan la shaacin dalkeeda ugu yeertay dhammaan madaxda dalka, waxayna wararku sheegayaan in ay wado dadaal nabadeed oo lagu xalinayo colaadda Gaalkacyo iyo madaxda Soomaalida ee Madasha Qaran ay shirkoodii ugu danbeeyay ku yeeshaan halkaasi.

Madaxda Soomaalida ayay caado u noqotay in dalal iyo quwado shisheeye ay mar waliba u hogaansamaan iyagoo dhexdooda is diidan, isla markaana ka horjeeda dowladooda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

2 thoughts on “Madaxda Puntland iyo Galmudug oo Lagu Dhexdhexaadinayo Dalka Imaaraadka Carabta”

  1. MahadArsanal says:

    Guuleed muxu isu gaabshaa markuu dadka lamidka ah salaamayo, wa markasta ma doqonima ka badatayba, wa maxay sababtu, maxa u diiday inuu si xayi ah u istaago oo muujiyo raganimadiisa,dad geesiyaal ah waxna gala waxna guda ayuu madax u yahay si kastaba haku noqde, war guuleedow hana is ceebeyn ee ilash ha ku tuso dadnimadaada, iska daa jileeca

  2. jama says:

    sawirkaa hadlaya ee hadal kale looma baahna.
    guuleed wuxuuu u muuqdaa nin muxtaaj ah oo baryootamaya.
    alka gaas iska dhigaayo ama isku muujinaayo nin la baryayo
    oo eeboow hoos ii day la leeyahay.

    guuleed qarnigii 21 tanaad yaa lagu jiraa
    ee u feker sida waqtiga yahay. maxaad ugu dhoola cadayneee ninku huruufaya oo la socda kaamarada oo gudbinaya massage ah eed sida la ii baryaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook