opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Madaxweynaha Galmudug iyo Taliyaha booliska Soomaaliyeed oo tababar u soo xiray Ciidamo Boolis ah +SAWIRRO

FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Xasan Xaamud, ayaa magaalada Cadaado ee xarunta u ah maamulka Galmudug tababar ugu soo xiray ciidamo cusub oo ka tirsan Booliska Galmudug.

Ciidamadaan maanta tababbarka ay u soo xereen si wada jir ah Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamad Sheekh Xasan Xaamud iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ah dufcadi ugu horeeysay oo ciidamo booliska galmudug oo tira ahaan gaarayay 400 oo askari oo 60 kamid ah haween aay yihiin oo tababar uga soo baxo dugsiga tababbarka guuleed.

Ciidamadaan oo ka mid noqonaya Booliska Galmudug ayaa muddo tababar uu uga socday Cadaado, waxaana ciidankaan loogu talo galay in ay ka qeyb galaan sugidda ammaanka deegaanada Galmudug, iyadoo munaasabad kooban oo lagu qabtay garoonka kubada cagta ay ciidamada madaxda hortooda ku soo bandhigeen gaada kacayaar muujinaya 3da bilood tababarkii ay soo qaaateen

Taliyaha Booliska Galmudug Gaashaanle Sare Cabdicasiis Yuusuf Aadan Dhaga Badan ayaa u mahadceliye Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed doorka ku lahaayeen tababarkaan maanta lasoo xiray .

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in ciidankan ay dhameystirteen tababarkooda, hadda wixii ka dambeeyana ay diyaar u yihiin in la howlgeliyo, isagoo xusay in taliska booliska uu ku howlanyahay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa ciidamada booliska ee heer dowlad goboleed iyo heer Federaal.

“Tababarkan la siiyay ciidanka booliska Galmudug ayaa ku yimid iskaashi dhexmaray maamulka Galmudug iyo Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana uu baaq u diray ganacsatada Galmudug inay ka qeyb qaataan dib u dhiska ciidanka” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo soo xiray tababbarka ayaa tilmaamay in maamulkooda mar waliba ay ku dadaalayaan sidii loo dhisi lahaa hey’adaha ammaanka, islamarkaana Boolisku ay door muhiim ah ku leeyihiin nabad galyada bulshada.

Ciidamaan tababarka loo soo xiray waxaa la filayaa in kaalin weyn ay ka qaataan sugidda amaanka deegaanada Galmudug, gaar ahaana magaalada Cadaado oo xarun iminka u ah maamulkaasi.

IMG_7608 IMG_7764 IMG_7749 IMG_7747 IMG_7738 IMG_7732 IMG_7715 IMG_7711 IMG_7705 IMG_7703 IMG_7698 IMG_7692 IMG_7689 (1) IMG_7677 IMG_7667 IMG_7666 IMG_7665 IMG_7664 IMG_7663 IMG_7662 IMG_7661 IMG_7660 IMG_7656 IMG_7652 IMG_7650 IMG_7641  IMG_7633 IMG_7625 IMG_7621 IMG_7618 IMG_7611

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook