opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho Maanta kula Kulmaya Madax iyo Saraakiil ka tirsan Mareykanka

guuleed-1
FacebookTwitterGoogle+Share

Iyadoo Shalay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ay soo gaareen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wafdi la socda ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in Xarunta Ciidamada AMISOM ee Xalane inuu ka dhaco Shir Saddex Geesood ah oo u dhexeeya Madaxweynaha Galmudug,Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin Mareykan ah.

Shirkaan ayaa looga hadli doonaa Duqeyntii Diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen Bariga Gobolka Mudug islamarkaana lagu dilay Ciidamada Galmudug.

Xubnaha Dowladda Mareykanka ka socda ee Maanta la kulmi doona Madaxweynaha Galmudug iyo Madax kale oo Dowladda Federaalka ah ayaa la sheegay in ay isugu jiraan Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin Dhanka Siyaasadda ah.

Horay Mareykanku waxaa uu u sheegay in Weerarkii ka dhacay Degaanka Jeexdin Ee Bariga Gobolka Mudug inuu ku laayay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabab,inkastoo Xoghayaha Difaaca Mareykanku uu sheegay in Weerarkaas baaritaan lagu sameyn doono.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook