opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Madaxweynaha Galmudug oo si aan hore looga baran kaga hadlay Dagaalka Gaalkacyo

guuleed
FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo ku sugan Wadanka Iskutaga Imaaraadka Carabta oo uu kaga qeyb galay Shir Muhiim ah oo Dowladda Imaaraadka ay ku Casuunta Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada ayaa Fariin Deg Deg ah u soo diray Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Galmudug.

Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u soo diray Ciidanka Sida Gaarka u Tababaran ee Nabad Sugidda Dowladda Galmudug kuwaas oo Howlgal Qorsheysan Maalin ka hor ku soo Furtay Haweeney u dhalatay Wadanka Kenya oo Maleeshiyo Burcadbadeed ah ay si dhuumasho ah ugu haysteen Degaano ka mid ah Galmudug.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in Ciidanka Nabad Sugidda iyo Saraakiishooda ay Shaqo Fiican qabteen islamarkaana ay soo badbaadiyeen Gabar u dhalatay Kenya oo si Sharciga aan waafaqsaneyn loogu haystay Dhul Cidlo ah oo u dhaw Degmada Camaara ee Gobolka Mudug oo ka tirsan Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa ka hadlay Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,waxaana uu si gaar ah u soo hadal qaaday Boqolaalka Ruux ee ka Barakacay Galmudug islamarkaana Gaajada iyo Aanka ay ku haysato Tuulooyinka u dhaw dhaw Gaalkacyo ee ay u Barakaceen.

Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa mar kale ugu baaqay Hay’addaha Gargaarka,Beesha Caalamka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jaaliyadda Reer Galmudug in ay Caawiyaan Dadkaas Walaalahood ah ee ka Cararay Colaadda Gaalkacyo,waxaana uu Tilmaamay in Dowladda Galmudug dhankeeda waxii ay Awoodo siindoonto Dadka Dhibaateysan si wax looga qabto Caaladda ay hadda ku sugan yihiin.

Ugu dambeyn Madaxweyne Guuleed ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Dowladda Galmudug in ay ka shaqeyaan Nabadda islamarkaana ay Muujiyaan Dadaal dheeraad ah si Cadawga Galmudug aysan u geysan Ficilo Xun Xun.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook