opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo gaaray Muqdisho +Sawirro

FacebookTwitterGoogle+Share

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa markii ugu horeysay maanta soo gaaray Magaalada Jowhar.

Socdaalka Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle uu ku yimid magaalada Muqdisho ayaa salka ku heysa kulamo uu la qaadanayo Madaxda dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, si uu uga gado qorshaha maamulkiisa curdanka ah.

“maanta markii ugu horeysay ayaan ka ambabaxaya Jowhar waxan ku wajahanay caasiamda dalka halkaasi waxaan kula kulmi doona beesha caalamka, waxaan kale oo la tashi la sameyn doono bulshada labada gobol, waxaa bilowday halgankii hergalinta dowlad goboleedka”ayuu Wariyeyaasha u sheegay ka hor inta aanu ka soo ambabixin magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa waxaa ka soo sagootiyay garoonka diyaaradaha Jowhar Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta uu la kulmo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud oo la rumeysan yahay inuu gacan ku lahaa doorashadii Madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.

Maalintii isniinta ayay aheyd markii magaalada Jowhar lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.

1 2 3

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook