Madaxweyne Guuleed oo tacsiyeeyay Dowlada Qadar +Sawirro

Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kusugan magaalada Muqdisho ayaa tacsi gudasho waxa uu u tagay Safaarada Dowlada Qadar ku leedahay Muqdisho.

Cabdikariin Guuleed ayaa Dowlada iyo shacabka Dowlada Qadar uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Amiirkii hore ee Dowlada Qadar Sheekh Khalifa Bin Xamad Al-thani , oo dhawaan ku geeriyooday dalkaasi.

Madaxweynaha Galmudug ayaa tacsidiisa u marsiiyay Dowlada Qadar ku simaha Safiirka Qadar Soomaaliya u fadhiya Hassan Hamza , waxa uu sidoo kale Madaxweynaha Galmudug saxiixay buuga tacsida ee ka furan safaarada Dowlada Qadar ku leedahay Muqdisho.
Amiirkii hore ee dalka Qadar Sheekh Khalifa Bin Xamad Al-thani ayaa dhawaan geeriyooday isaga oo 84-sano jir ah, Amiirka ayaana talada dalka Qadar soo hayay intii u dhaxeysay sanadii 1972 ilaa 1995-tii.


Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook