opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray Amar culus +Cod

1
FacebookTwitterGoogle+Share

Guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo ammaanka ee gobolka Hiiraan ee dowladda federaalka ayaa ka hadlay amar laga soo saaray shirarka siyaasadeed ee lagu qabto magaalada Baladweyne.

Axmed Cismaan Cabdulle(Axmed Inji) ayaa ka hadlay amarkani oo ka soo baxay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu guddoomiye xigeenku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulka gobolka Hiiraan ay amreen in wax shirar ah oo siyaasad ku aadan lagu qabto magaalada Baladweyne.

Guddoomiye xigeenka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay amar ku qabaan inay tallaabo ka qaadaan siyaasiyiinta shirarka siyaasadeed ku qabanaya magaalada Baladweyne.

Wuxuu sheegay in duubabka dhaqanka iyo waxgaradka ay kulamadooda caadiga ah wadan karaan oo iyagu wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin amarkaan, hase yeeshee la diiday shirarka siyaasiyiintu ay qabanayaan.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay arrinta la xiriirta ka bixitaanka ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga soo baxeen degaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in AMISOM gaar ahaan saraakiisha Itoobiya ay kala hadleen waxa arrintaas keenay islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan Ceelcali dib loogu soo celin doono gacanta dowladda.

Waxa uu ugu danbeyn ka Hadlay Guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo ammaanka ee gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdi Abaaraha ka jira qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan oo saameeyay Nolosha dad fara badan.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook