opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Magacyada iyo Qabiilada 8-Xubnood ee Galmudug ku matalaya Aqalka sare +Sawirro

FacebookTwitterGoogle+Share

Baarlamanka maamulka Galmudug ayaa goor dhow soo gebagebeeyey doorashada xubnaha ku tartamayey sideeda xubnood ee maamulkaas uga mid noqonaya aqalka sare.
Kursiga aqalka sare ee beesha Ceyr ayaa waxaa saaka ku guuleysatay Jawaahir Axmed Cilmi oo la tartameysay Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud kaasoo markiii hore kursigan loo saadaalinayey, waxayna Jawaahir noqotay haweeneydii labaad ee Galmudug ku meteleysa aqalka sare.

Kursiga Beesha Mareexaan ee Aqalka sare ayaa isna ayaa waxaa loo doortay saaka C/waaxid Cilmi Goonjeex oo horey u soo noqday raisul wasaare ku-xigeenka Somalia, isagoo ka guuleystay haweeney iyo nin la tartamayey oo lagu kala magacaabo Aamina Cali Maxamed iyo Maxamed Samatar Duraan.

Sidoo kale, Abuukar Axmed Xaashi oo kasoo jeeda Beesha Dir -Surre -Subeys ayaa ku guuleystay kursiga Sideedaad aqalka sare ee Galmudug kaasoo ka guuleystay musharixii la tartamayey oo ahaa Macalin Cumar Sheekh Ciise .

Sideeda xubnood ee u soo baxay xubnaha aqalka sare ee Galmudug ayaa kala ah:-

1-Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) Habar Gidir-Saleemaan.
2-Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid). Habar Gidir-Sacad
3-Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhag Dheer) Murusade -sabti
4-Yuusuf Geelle Ugaas. (Ugaas dhagey) Duduble
5-Zamzam Daahir Maxamuud -Abgaal -Waceysle
6-C/waaxid Cilmi Goonjeex Daarood -Mareexaan
7-Jawaahir Axmed Cilmi .Habar Gidir- Ceyr
8-Abuukar Axmed Xaashi. Dir -Surre

Baarlamaanada maamul goboleedyada kale ee dalka ayaa iyana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay guda galaan doorashada xubnaha aqalka sare, iyadoo maamulka Galmudug uu noqonayo maamulkii ugu horeeyey ee soo gudbiya xubnaha aqalka sare.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook