opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

: Maku soo gaarray warka ah in dhowaan sida AK-47-ka loo adeegsan doono nuclear-ka.?+Video

daawo-madx
FacebookTwitterGoogle+Share

Ruushka ayaa diblomaasiyiintiisa iyo qoysaskooda ku nool dibadda ku amray in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, xilli ay sare u sii kaceyso xiisadda la xiriirta suuro-gelnimmada dagaal ka dhaca dunida, sidaas ayaa lagu soo warramay.

Siyaasiyiin sare oo Ruush ah ayaa sheegaya in ay soo gaartay digniin culus oo ka timid madaxweynahooda Vladimir Putin, saxaafadda gudaha ayaa laga helay xogtan.

Warkan ayaa ku soo beegamaya xilli hoggaamiye Putin uu baajiyay booqasho uu ku teggi lahaa Faransiiska, kadib markii xukuumadda Paris ay dalbatay in laga wada-hadlo xaaladda Siiriya, iyadoo dhowr maallin un ka hor uu Ruushka xaduudda Poland u daad-gurreeyay gantaallada xambaarra hubka wax gumaada ee nuclear-ka.

Mikhail Gorbachev, hoggaamiyihii hore ee midowga Soviet, ayaa ka digay in lugaha lala gelli doono halis aan laga soo kabsanin haddii uu sidan ku sii socdo xiriirka xumaaday ee ka dhaxeeya Ruushka iyo Mareykanka.

War-sidaha reer Ruush ee Znak,ayaa baahiyay in dhammaan shaqaallaha dolwadda loogu baaqay inay ka soo guuraan dalalka shisheeye,iyagoo xitaa iskuullada ka soo wadanaya carruurta yar yar.

Stanislav Belkovsky oo ah khabiir aad u fallanqeeya siyaasadda Ruushka ayaa aaminsan in qarka loo saaran yahay dagaalkii 3-aad ee dunida.

Dowladaha reer galbeedka oo is-kaashanaya ayaa diidan taageerada ciidan ee uu Ruushka siinayo hoggaamiyaha Siiriya Bishaar Al-asad, kasoo dagaal sanado badan qaatay kula jiro dhowr koox oo kala mabda’ ah balse ku mideysan inay xilka ka tuuraan isaga.

Koox walba oo Siiriya ka daggalanta oo uu xitaa ku jiro Ruushka ayaa la tilmaamay inay si arxan darro u beegsanayaan dadka shacabka.

Ciidan iyo hub nuuc walbo ah oo ay ku jiraan gantaallo awood u leh inay dhulka soo dhiggaan diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayuu maamulka Putin geeyay Siiriya.

Xukuumadda Kremlin ayaa dhowr iyo toban sano kadib ka baxday heshiiska dhimidda keydka hubka sare ee plutonium,kasoo ay horey ula gashay dhiggeeda Washington.

Saraakiisha difaaca ee mareykanka ayaa ugu duur-xulay Ruushka in ay dhulka la simi doonaan cadwogooda oo sida ay sheegeen qaska ka wada caalamka.

Laakiin Ruushka oo markiisa jabaawaya ayaa ku dhaartay inuu dhulka soo dhiggi doono haddii diyaaradaha mareykanku ay amar la’antiisa soo gallaan hawada Siiriya ee uu haddaba la sii wareeggayo maamulkeeda.

Mareykanka oo adeegsanaya dowlaha kale ee reer galbeedka iyo xulafaddiisa ayaa daaqadaha ka soo xer-xeray Ruushka, xitaa gollaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ayaa laga dhaleeceeyay hab-dhaqanka Putin.

Shaki kuma jiro, in Ruushka uu si weyn uga tabaabusheystay dagaal lagu hoobto oo ka dhaca caalamka,waayo ma heysto waddo kale,sababtoo ah inta badan ganacsiga iyo xiriirradii siyaasadeed ayaa laga soo xer-xeray.

Dad badan ayaa riyo-maalmeed u arka in xilligan uu dhici karo dagaalkii 3-aad, laakiin khuburro kale oo siyaasadda looga dambeeyo ayaa leh, ” haddii uusan Mareykanka xishoonin oo dhankiisa ka qaboojinin xiisadda,markaas daqiiqad walba ayaa gacamaha la’issula teggi karaa.

Is-baheysiga NATO ayaa sanadihii dambe gantaallo badan oo dhanka difaaca ah ku rakibayay qaar ka mid ah dalalka yurubta bari, taasoo halis ku noqon karta ammaanka guud ee Ruushka.

Maxaa ku soo baxaya, Marka aad darrsato oo aad eegto sida ay wax u socdaan iyo khilaafka faraha ka baxay ee ka dhaxeeya Ruushka iyo Maryekanka?

–………Mahadsanidiin…….–

 

Diyaariye, Mohamed Osman Habiib

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook