opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Man United Oo Old Traffrod Ku Dubtay Fenerbahce +Sawirro

1111
FacebookTwitterGoogle+Share

Manchester United ayaa Old Traffrod ku xasuuqday kooxda ree Turkey ee Fenerbahce kulanka saddexaad ee heerka Groupyada Europa Leaque-ga. Kooxda Mourinho ee Red Devils ayaa qaybtii hore ee kulankan saddex gool la timid iyada oo Paul Pogba uu laba gool dhaliyay halka Martial uu gool kale raacsaday. Man United ayaa saddex afar daqiiqo gudahood ku heshay laba rekoodhe oo ay kala dhaliyeen Pogba iyo Martial.

Qaybtii danbe Jesse Lingard ayaa markiiba goolka afraad ugu sii daray kooxda martida ahayd ee Fenerbahce oo dhibaato kala kulantay Old Traffrod. Dhamaadkii ciyaarta xidigii hore ee Man United ee Robin van Persie ayaa kooxdiisa udhaliyay goolka calanka isaga oo soo laabashadiisa Old Traffrod goolkan ku xususuan doona. Man United ayaa guul ku gaadhay 4:1.

Manchester United ayaa waqtigii nashada baxday iyada oo hogaanka ciyaarta ku haysay 3:0 waxayna u muuqatay mid saddexda dhibcood isku hubsatay. Inkasta oo uu Mourinho shaxdiisa ku sameeyay todoba isbadal isla markaana ay kaliya De Gea, Smalling, Bailly iyo Pogba ay shaxdiisii hore ka badbaadeen ayay qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Manchester United ayaa si buuxda gacanta ugu qabtay ciyaarta halka kooxda Fenerbahce ay la wareersanayd saddexdii gool ee qaybtii hore ee kulankan ay Red Devils ku dardartay. Mourinho ayaa markan ka fikiray kulanka axada ee Chelsea wuxuuna ciyaarta ka saaray Chris Smalling wuxuuna kaydka uga yeedhay Marcos Alberto Rojo.

DAQIIQADII 48 AAD GOOOOOL! Manchester United ayaa si dhab ah ciyaarta hurdada ugu dirtay waxaana goolka afraad ee Red Devils kulankan ka dhaliyay Jesse Lingard kaas oo gool caawin ka helay Wayne Rooney, laakiin ciyaartoyda kooxda Fenerbahce ayaa waqti badan siiyay Jesse Lingard si uu goolkan udhaliyo, waxayna ciyaartu noqotay 4:0 ay bilaa jawaab ay Man United ku raaxaysanayso.

DAQIIQADII 83 AAD GOOOOOOOL! Ugu danbayn kooxda Fenerbahce ayaa gaadhay shabaqa Manchester United waxaayan kooxda martida ahayd goolkan u saxiixay xidigii hore ee Manchester United ee Robin van Persie kaas oo goolkan ku dhaliyay kubbad uu ka helay Emenike, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4:1 ay wali Man United hogaaka ciyaarta ku hayso.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:1 ay Manchester United ku xasuuqday kooxda martida u ahayd ee Fenerbahce waxayna guushani kalsooni wayn siinaysaa Man United ka hor kulanka axada ee ay Chelsea booqan doonaan iyada oo waliba Pogba uu kulankan laba gool ku helay kalsoonidii uu u baahnaa.

NATIIJADA KULAMADII EUROPA LEAQUE-GA OO DHAMAYSTIRAN:

cvpjiqvusaedxhb

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook