opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Mandhera oo Xalay Saqdii Dhexe Dad Lagu Laayey & Xaalada oo kacsan

bignews
FacebookTwitterGoogle+Share

Magaalada Mandheera Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya oo ku taalla Xaduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa Xalay Xilli dambe waxaa ka dhacay Weerar iskugu jira Qaraxyo iyo mid toos ah oo lagu qaaday Xaafad ka mid ah Xaafadaha Magaalada Mandheera.

Weerarka ayaa la sheegay in lala beegsaday Xaafad ku taalla Bariga Magaalada Mandheera oo Xigta dhanka Xaduuda,balse ay degen yihiin Dad Kenyan ah.

Inta la og yahay Weerarka waxaa ku dhintay Lix Qof ,halka ay ku dhaawacmeen illaa 10 kale.

Sidoo kale Qarax ayaa ka dhacay Dukaan ku yaalla Bartamaha Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya,balse weli lama oga Khasaaraha ka dhashay.

Booliska Kenya ee Magaalada Mandheera ayaa sheegay in ay 20 Ruux dad ka badan ka soo badbaadiyeen Xaafadda Weerarka lagu qaaday.

Ma jirto Cid weli sheegatay Weerarka,balse Booliska waxaa ay sheegeen in Shabaab uu ka dambeeyo Weerarka Dhimashada iyo Dhaawaca Sababay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook