opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Maxaa ka run ah maamulka Hiiraan State ?

top-news-stories-of-the-day
FacebookTwitterGoogle+Share

Maalintii Isniintii ina dhaaftay 10 bishan Oktober, waxaa magaalada Beleweyne ee xarunta gobolka Hiiraan lagu ansixiyay dastuur uu yeelanayo maamul loogu wanqalay [Hiiraan State] kaasoo ay siweyn u soo dhaweeyeen hindisihiisa dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Ergo ka badan 400 ayaa mar kaliya gacanta u taagtay ansixinta qodobada ku jirray dastuurka oo ka hor inta aan la isku raacin si faah faahsan loogu dul akhriyay. waxaana mar kaliya is qabsaday sawaxan farxadeed iyo heeso ka tarjumayay sidda dadku ugu baahi qabaan in ay dhistaan maamul aan meel kale looga soo waardin.

Laakiin farxadii iyo reyn-reyntii dadka waxaa xigtay niyad jab iyo in loo durbaan tumay cayaar ay adkeyd sii socoshadeeda, kaddib markii maalintii xigtay ciidammo la wareegeen goobtii lagu ansixiyay dastuurka, kuwaa oo is hortaag ku sameeyay shirarkii waddatashiga dhismaha maamulka oo aan markii hore laga sii fikirin caqabadaha soo food saari kara.

Dad badan ayaa aamisan in ansixinta dastuurka iyo sheekada ku saabsan dhismaha maamulka Hiiraan State looga20161010_093503-e1476082309163-576×1024 gon — lahaa oo kaliya in warbaahinta ama Media -ha loo isticmaalo, madaama aysan meeshaba ool amkaaniyadkii loo baahnaa marka howshan oo kale la qabanayo, sidda dhaqaale, awood ciidan, iyo bulsho u istaagta ka miro dhalinta in ay sameystaan maamul ay u madax-banaan yihiin.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo si weyn ula socta hadba dhaq-dhaaqyada siyaasadeed ee ka jira magaalada Beledweyne ayaa ilaa iyo xad ku howlan fashilin iyada oo isticmaaleysa awoodeeda siyaasadeed iyo ciidan isku day kasta oo la doonayo in lagu carqaladeeyo maamulka dhismihiisa uu ka soconayo magaalada Jowhar ee Hir-shabeelle oo in ka badan hal sanno dowladda iyo beesha caalamku howlanayeen siddii dhidibada loogu taagi lahaa.

Dabcan ma’aha Soomaaliya wax ku cusub in bulsho maamul sameysato, laakiin mar marka qaar waxaa la oran karaa marxalada iyo xaalada markaa ka taagan deegaanka aad rabto in aad ka yagliisho maamulka noocaa oo kale ah ayaa u baahan in mar hore la daraaseeyo, madaama ay adag tahay in [Qaran & Qaran kale lagu dul dhiso]

Bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan waa bulsho leh taariikh soo jireen ah, awoodna u leh mar walba in ay meel mariyeen doonistooda siyaasadeed, laakiin malaha waxaa haboon in arintaa loo maro dariiq nabadeed oo ku dhisan siyaasad miir qabta oo aan aheyn mid ku saleysan laab-lakac & dhalanteed.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook