opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Maxaa Laga Faa’idey Dagaalka Gaalkacyo ?

dag
FacebookTwitterGoogle+Share

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa shalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Galmudug, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalladii ka dhacay Gaalkacyo waxaa laga faa’idey oo kaliya Saddex Arrin oo dhib badan u ah shacabka ku nool magaaladaasi, maamulka ay doonaan haka mid ahaadaanee, waxaana kamid ah.

Nabad La’aan: Mar haddii uu dagaal dhaco nabad ma jirto, cid walbana waxay raasidaa meesha nabadda ay ka xigto ama ka xisloon halka ay markaasi ku nooshahay oo colaadda ka jirto.

Ganacsi La’aan: Colaad markii ay timaado wax walbo oo meeshaasi ka jiray waa ay la tagtaa, Maantana Gaalkacyo kama jiro wax ganacsi ah, dhinaca ay doontaba ha ahaatee.

Waxbarasho La’aan: Waxaa gabi ahaanba xiran iskuullladii Gaalkacyo, ardayda waxay taasi ku tahay hoos u dhac, waxay mar walbo ka hooseeyaan asaagood ku nool goobaha nabadda ah.

Haddii colaadda Gaalkacyo ay joogsato dhammaan waa la helayaa wax walbo oo dagaallada ku lumay, balse haddii ay sii socoto waxaa hubaal in tiro intaan ka badan la lumin doono.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook