opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Maxaad ka Og tahay Kulanka Madaxda Soomaalida ee Dubai iyo Saameynta uu ku yeelan doono doorashada 2016 ?

FacebookTwitterGoogle+Share

Wararka aan ka helyno dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in uu soo gabo gaboobay kulamo si hoose dalkaasi ugu yeesheen Madax katirsan Dowlada Imaaradaka Carabta iyo Madaxda Maamul goboleedayda dalka Soomaaliya ka jira.

Kulamada ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta oo ahaa kuwa albaabada ay u xirnaayeen ayaa la sheegay in xoogooda looga hadlayay arimaha doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya iyo Qorshe ay wadato Dowlada Imaaraatka Carabta.
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo waramayaa in Hogaamiyaashan Soomaalida ah ee kulanka la qaadateen ka dalbatay in la taageero lana doorto labo Musharax ay wadato Imaaraadka lana dooneyso in midkood ku guuleesto Doorashada Soomaaliya.

Kulamada qarsoodiga ah ee Dowlada Imaaaraadka Carabta la qaadatay Madaxda maamulada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa looga hadlay sidii looga miro dhalin lahaa damaca Imaaraadka ee ku aadan in shaqsi ay wataan dalka uu Madaxweyne ka noqdo.
Inta badan Hogaamiyaasha ka qeyb galay Shirka ayaa soo dhaweeyay dalabka Dowlada Imaaraadka Carabta soo hor dhigtay, halka kuwa kalana ay sheegeen in ay kasoo fekerayaan ,waxaana Hogaamiyaashan dhankooda loo sameeyay balan qaadyo hoose hadii miro dhal noqdo qorsha Imaaraadka Carabta wato.

Madaxda maamul goboleedayada dalka ka jira ee shirka ka qeyb galay ayaan wali ka hadlin kulamada hoose ee ka dhacay dalka Imaaraadka, waxaana lagu wadaa in beri ama maanta in qaarkood ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa horey taageero ku siinayay Madaxweyne Xasan Sheekh sidii uu mar kale dalka Madaxweyne uga noqon lahaa , balse waxaa hada soo baxaya tuhuno la xariira in labo musharax kale ay watan Imaaraadka midkoodna la rabaan in talada dalka uu qabto.

Dowladaha Reer Galbeed iyo kuwa Carabta qaarkood ayaa saameyn badan oo toos ah ku leh siyaasada Soomaaliya, waxa ayna Dowladahan doonayaan in talada dalka ku guuleestaan musharixiin Madaxweyne ay kala wataan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook