opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

ODAYAASHA BEESHA REER MAXAMUUD OO DIIDAY SIDA AQALKA SARE LOOQAYBIYAY +Video

skjermbilde
FacebookTwitterGoogle+Share

BEESHA MAXAMUUD IBRAAHIM( REER MAXAMUUD) IYO DR GAAS

Beesha majeerteen waxay heleen aqalka sare 6 kursi uun oo kaliya.waxaa lagu heshiiyay in madaxwayene goboleedka iyo maamulkiisu soo xulo xubnaha aqalka sare degaan walbaa.madaxwayne dr gaas waxa uu qaybiyay qaybin cadaalad daro ah oo foolxun ceebna ah.uugu horaynba si horornimo ah waxa uu qaatay isagu laba meeloodoow meel oo macnu ah 3 xubnood ayuu ka qaatay 6 xubnood. majeerteen isagu waxa uu ka yahay maxamuud saleebaan waxa uuna jifadiisaas u qaybiyay jifo hoosaad kasta oo kamid ah beeshiisa maxamuud saleebaan in uu siiyo hal xubin. tusaale ahaan cumar maxamuud saleebaan xubin,cismaan maxamuud saleebaan xubin,ciise maxamuud saleebaan xubin.

Marka laga reebo beeshaas intii kale ee soo hartay majeerteen oo dhawr jeer ku soo laban laabma jifadiisa dhab ahaan ayuu 3 xubnood ka dhaxaysiiyay wax lala yaabay oo laga kala cararay. cali saleebaan hal xubin buu siiyay oo ah walaalkii lasiman,2 xubnood ee soo hartay waxa uu ku dhex tuuray beesha direed oo dagta puntland,beesha reer maxamuud,beesha carab saalax,beesha cabdiraxiim ibraahim,beesha wabeeneye,beesha Awrtable beelahan waxa uu yiri ku tartama 2 daas xubnood iyagoo ah beelo aan wax kale daayoo xataa wada ahayn majeerteen!!!GAAS wuxuuna si toos u ah u yiri 3 xubnood ee beesheyda lalama tartamin karo yaab

Macnuhu waxaa weeye iska horkeen beelaha walaalaha ah ee soomaaliyeed ee Dagan puntland.hadaba waxaa yaab ah in uu sidan u dhaqmo dr gaas.odayaasha beesha REER MAXAMUUD waxa uu dr gaas hore uga balan qaaday in xubin aqalka sare ah uu siinayo,waxa uuna cida u sheegay in nin amerika Dagan oo iska shaqaysta uu yiri ninkaa reer maxamuudoow ii keena waliba isagaan jeclahay in aan xubinta aqalka sare u magacaabee, beeshu waa tashatay wayna isku raaceen ninkaa oo gudoon sadeen. ninkii waxa uu yimid oo joogaa puntland dr gaas arintii beesha uu kula heshiiyay waa kabaxay waana laalay beeshuna way qaadacday in ay dib u horfariistaan cid aan aamin ahayn oo aan xajin Karin qawl hore iyo balan toona. Mana qabato beesha dulmigaa iyo gafkaa iyo gabood falkaa foosha xun ee dr gaas kula kacay si bareera ah beesha.

Odayaashu waxay ilaalinayaan ehelnimada iyo dadku waxa uu isu yahay ee ka dhaxeeya,waxay ilaalinayaan qawlka iyo talada danta wada jirka guud ee bulshada,sidaa daraadeed bari bay kayihiin siday cadeeyeen maamulkaa sadbursiga iyo qawl la’aanta ku sifaysan.beesho banan bay ka taagan tahay dr gaas iyo maamulkiisa guracan.magaranayno bay yiraahdeen odayadu cida uu dr gaas wax kala cararayo!!? ma garanayno waxa diiday in in beelaha majeerteen min xubin qaataan intay gaarto taasoo aysan cidina u dudaynin maxay iisoo gaari wayday xubin sababtoo ah dadku wixii cadaalad u dhaca ayaa deeqa. wax kasta anay ugu fiican yihiin suuro gali wayday waxaa dadkii majeerteen kala dilay talo xumada dr gaas iyo beeshiisa mana garanayno waxa uu ukala geeyay beelaha majeerteen?

Waxa odayada reer maxamuud beenta intaa la eg loogu sheegay magaranayno? wax majeerteen leeyahay jifo lama carari karto!! waxaase suuro gal ah meesha inagu kala kaxeeya oo aan kala danaysano siday hada tahayba.

Beelaha carab saalax,awrtable,dir waa in ay xaqooda ka helaan maamulka waana qalad iney la tartamaan qabiil kale..

Odayaasha Reer maxamuud waxay la yaabeen dhaqanka xun ee beesha maxamuud saleebaan Puntland kusoo kordhisay ee ah Sadexdeena xubnood lalama tartami karo tiina tartan ayaad gelesaan waa nacaybka gaamuray ee ay u qabaan beesha reer maxamuud.

Shaqsiyaha horay ayaan beesheyda ugu sheegay inuu Madaxweynaha xanuunsan gaas uusan balan lahayn ilaahayna uusan aqoonin.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook