opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Puntland oo beenisay war kayimid Galmudug +Cod

cabdi-wali-gaas
FacebookTwitterGoogle+Share

Maamulka Puntland ayaa si kulul u beeniyay in wada-hadal ay kula jiraan Dowlad Goboleedka Galmudug oo ku aadan sidii loo xalin lahaa dagaalada kusoo lab-laabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Wasiirka Deegaanka Maamulka Puntland Mudane Cali Cabdulaahi Warsame oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in wada-hadal ay kula jiraan dowlad Goboleedka Galmudug si loo xaliyo dagaalada maalmihii dambe ka dhacayay Magaaladaas.

Sidoo kale Wasiirka Deegaanka Maamulka Puntland Cali Cabdulaahi Warsame ayaa ugu baaqay dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug in ay dib ugu soo laabtaan Guryahooda.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa sheegay in Wasiiro ka kala Tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug in wada hadal ay ku yeelan doonaan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wada-hadalka ayuu ku sheegay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guulleed in loogu gol leeyahay sidii loo dhameyn lahaa colaada Ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug oo maalmihii dambe ay kuwada dagaalameen Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Puntland oo beenisay war kayimid Galmudug +Cod”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook