opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Puntland “Shabaab, Daacish & Galmudug sumado noomakala lahan” +Cod

cumar-cabdullaahi-maxamed-faraweyne
FacebookTwitterGoogle+Share

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay wararka ku aadan in dagaalyano gaaraya 100-askari oo ka tirsan daacish-ta Soomaliya in ay la wareegeen degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed Faraweyne oo goordhawey warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay in Puntland diyaar u tahay inay iska difaacdo duulaan kasta oo kaga yimaada dhinacyada kasoo horjeeda hormarka Puntland.
Gudoomiye Faraweyne wuxuu sheegay Puntland inay si degdeg ah u xoraynayso degmada Qandala ee gobolka Bari islamarlaana ay filayeen in daacish sameynayso iskudayo nuucaas oo kala ah ay ku doonayso in ay kula wareegto deeganada Maamulka puntland.

“ Magaalooyinka Qandala iyo Gaalkacyo way noosoo siman yihiin haddaanu nahaynu shacabka reer Puntlad iyo maamulkooda waxaa naga go’an inaan dhulkeena iyo ciideena ka xorayno kana difaacno Shabaab, Daacish iyo Galmudug,” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo saxaafada kula hadlayay Magaalada Garowe.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya oo uu sheegay inuu Dagaalada ka socda halkaasi uu ka dambeeyo.

Barqanimadii maanta ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan daacish-ta Soomaliya ay la wareegeen degmada Qandala ee Gobolka Bari.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook