opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Qaramada Midoobe oo diidan in Cabdi Qeybdiid iyo Morgan lagu daro Aqalka sare (Aqriso Cadeyn)

FacebookTwitterGoogle+Share

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa warqado u kala diray Madaxda Maamul goboleedyada dalkawaxa uu kaga dalbaday in liiska Muharixiinta ay ka reebaan Hogaamiyo kooxeedyadii dalka soo maray.

Warqadan uu wakiilka Qaramada Midoobay u diray Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira oon helnay mid kamid ah oo ku taariikheysan 14-kii Octoper ayaa looga dalbaday Madaxweynaha Galmudug in uu ka reebo liiska Musharixiinta aqalka sare u tartameysa Gen. Cabdi Xasan Cawaale oo kamid ahaa Hogaamiyaashii kooxaha ee dalka soo maray.
Maamaulka Galmudug ayaasa u muuqday in ay iska indho tireen Warqada uu usoo diray Michael Keating , waxaana shalay doorasho ka dhacday magaalada Cadaado loogu doortay Cabdi Qeybdiid in uu kamid noqdo Xubnaha aqalka sare kamid noqonaya.
Michael Keating ayaa sidoo kale Warqado uu iyana u diray maamulada Puntland iyo Jubbaland kaga dalbaday in laga reebo liiska Musharxiinta u taagan kamid noqshada aqalka sare, waxaana xubnahaasi kamid ah Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo kasoo mid noqday Dowladii Kacaanka sidoo kale kamid ahaa Hogaamiyaashii Kooxaha ee dalka mar katalin jiray.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale maamulka Jubbaland ka dalbaday in liiska Musharixiinta u taagan aqalka sare laga reebo C/fataax Maxamed Cali oo mar kasoo mid noqday Kooxda Xisbul Islaam .
Maamulada dalka ka jira ayuu sidoo kale ka dalbaday Wakiilka Qaramada Midoobay in aan lagu soo darin Aqalka sare iyo aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya dad kasoo mid noqday Hogaamiyaashii Kooxaha ee dalka soo maray.
Lama oga sida ay kusocon doonto dalabkan kasoo yeeray Qaramada Midoobay ee ku aadan in labada aqal laga reebo xubno kasoo mid noqday Hogaamiyaashii kooxaha iyo Kooxihii islaamiga, waxaana xusid mudan in xubno badan oo u tartamaya aqalka sare iyo aqalka hoose ay ku jiraan Hogaamiyo kooxeedyo iyo kuwa kasoo mid noqday Kooxihii islaamiga sida Maxaakiimta iyo Xisbul Islaam.
Halkan Hoose ka Aqriso Warqada uu Michael Keating u diray Madaxweynaha Galmudug

katin

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook