opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Muqdisho

FacebookTwitterGoogle+Share

Qarax weyn ayaa goor dhow oo caawa ah ka dhacay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay agagaarka xarunta Idaacada Dalsan oo ku taalla inta u dhexeysa isgoyska Boondheere taalada daljirka Dahsoon.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey uu halkaas ku qarxay.

Ugu yaraan afar ruux oo uu ku jiray wadihii gaariga ayaa ku dhintay qaraxan halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, shacab wadada marayey ayaana ka mid ahaa dadka dhimashada iyo dhaawacyafu ay soo gaareen.

Waxaa goobta gaaray gaadiidka dab demiska, kuwa ambalaaska iyo ciidamada amaanka dowlada oo halkaas xiray, iyagoo baaritaano kala duwan, waxaana xusi mudan in goobta gaarigan uu ku qarxay ay masaafo aad gaaban u jirto xabsiga loo yaqaano godka Jilacow oo ay leeyihiin ciidamada nabad sugida Somalia.

Laamaha amaanka dowlada Somalia illaa hadda war kama soo saarin qaraxan, iyadoo saraakiisha dowladu sheegeen iney baaritaano wadaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook